Home » Wararka & Dhacdooyinka » Xaflad lagu maamuusayay wadashaqeynta Wasaaradda HGD&G iyo Ururkaiskaashatooyinka Gaadiid ka iyo Dhismaha + Sawirro

Xaflad lagu maamuusayay wadashaqeynta Wasaaradda HGD&G iyo Ururkaiskaashatooyinka Gaadiid ka iyo Dhismaha + Sawirro

Xaflad ballaran oo lagu maamusayay wada shaqeynta ka dhaxeysa wasaaradda HGD&G iyo iskaashatooyinka  kaawooleyda gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu qabtay hoolka weyn ee wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyaynta.

Xafladdaan oo ay si wada jir ah usoo qabanqaabiyeen Wasaaradda Iyo Iskaashatada Kawooleyda  ayaa waxa kasoo qayb galay Mas’uuliyiin heer sare ah.

Siddoo kale xafladdaan aya waxaa shaahaadooyin iyo shatiyo lagu guddoonsiiyay qaar kamid ah iskaashatooyinka

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Gaadiid Badda iyo Dekadaha  Maxamed Cismaan Dhagaxtuur oo xafladda kahadlay ayaa waxuu sheegay in aay jiraan dad ajaaniib ku xeran oo xoogsatada awood u sheegta, wuxuuna wasaradda ka codsaday in dadkaas laga qabto dadka danyarta ah.

Guddoomiyaha Iskaashatooyin ka Cali Cabdulle Guure aya waxa uu ballan qaaday in aay dhisi doonaan isbitaall iyo guryo ay horey u ballan qaaseen iskaashatooyinka.

W. ku x. wasaaradda ayaa oo goobta ka hadlaya ayaa waxaa u caddeyay in iskaashatooyion ay ka mid yihiin wasaaradda

Ugudanbeyntii xaflada ayaa waxaa soo gabagabeyay Wasiirka wasaaradda waxa una yiri ‘ Dadka waddan ka ugu xaqa badan waa dadka muruq maalka ah ‘

Sidoo kale wasiir Eng. Saalax ayaa sheegay in ay diyaariyeen nashqadihii magalada muqdisho bilicdeeda lagu soo celin lahaa.

 

23

 

 

 

 

Related Articles