Home » Wararka & Dhacdooyinka » Mashruuca SSG oo Wasaaradda H/G/D ugu deeqay qalab ka kooban kumbuyuutaro & Qalab Xafiiseed

Mashruuca SSG oo Wasaaradda H/G/D ugu deeqay qalab ka kooban kumbuyuutaro & Qalab Xafiiseed

April 04, 2016 , Mashruuca Xoojinta Hey’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee SSG ( Strengthening Somali Governance Project) ayaa ku wareejiyay wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyaynta qalabka ka kooban Kumbuyuutaro iyo Qalab xafiiseed

Wasiir Salaax iyo BradWasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska Eng. Saalax Sheekh Cismaan ayaa  deeqda qalab xafiiseedkaan ka Guddoomay SSG.

Madaxa Mashruuca SSG  Brad Baxter oo deeqdan gudoon siiyay wasiir Saalax, ayaa sheegay in deeqdani ay qayb ka tahay mashruuca Strengthening Somali Government (SSG) ee ay USAID ugu talo galeen in ay ku xoojiyaan Hey’addaha Dawladda Soomaaliyeed.

Mashruuca Xoojinta Hey’addaha Dowladda Soomaaliya ee SSG ayaa ah mashruuc ay maalgaliso Hey’ada USAID ujeedkiisuna uu yahay awoodsiinta iyo xoojinta Hey’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.