Home » Wararka & Dhacdooyinka » Madaxweynaha oo xarigga ka Jarray Dhismaha Cusub ee Wasaaradda H/DG

Madaxweynaha oo xarigga ka Jarray Dhismaha Cusub ee Wasaaradda H/DG

01/05/2016, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyaa mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xarriga ka jaray taariikdu marka ay ahayd 1-da Bisha May-2016-ka  Dhismaha cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Gureyaynta Soomaaliya oo dib u dhis lagu sameeyay.

wHGMunaasabadda Wassaaradda lagu daah-furayay ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaano, Siyaasiyiin,masuuliyiin ka socday Safaaradaha caalamka Soomaaliya ku leeyahay Muqdisho iyo qeybaha bulshada Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka sheegay munaasabadda in Wasaaradda Hawlaha Guud lagu dhisay mashruuca iskaa wax u qabso ee Dalkaaga Dhiso.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane, Injineer. Saalax Shiikh Cismaan ayaa isna xusay innuu ku faraxsanyahay dib u dhiska wasaaradda iyo in lagu dhisay mashruuca iskaa wax u qabso taasi buu yiri innay muujinayso sidda dadka Soomaaliyeed ay wax u qabsan karaan ugana maarmi karaan in aysan gacmo kale wax ka sugin.

Waxaa xusid mudan in xarumo badan oo Dowladda ay leedahay horrey lagu dhisay mashruuca Iskaa wax u qabso ee dalkaaga dhiso kaasi oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu fikradiisa lahaa.

Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa ka mid ah xarumaha Dowladda ee lagu dhisay ama lagu dayactiray mashruuca dalkaaga Dhiso.