Home » Wararka & Dhacdooyinka » Tabar ku saabsan dacytirka laydhadhka ku shaqeeya qoraxda ee la suray wadooyinka

Tabar ku saabsan dacytirka laydhadhka ku shaqeeya qoraxda ee la suray wadooyinka

 

Waxay  maanta oo ay taariikhdu tahay 25/9/2016 ay Wasaaradda Hawlaha Guud  iyo  Guriyeynta  qabatay aqoon isweydaarsi ku saabsan dayactirka laydhadhka  ku shaqeeya ileyska qoraxda, waxaa xaflada sida weyn loo soo agaasimay furay wasiirka wasaarada mudane H.E Eng, Saalax Sheekh Cusmaan isagoo ku soo dhoweeyey dhamaan ka qayb galayaasha xaflada isagoo ku niixnuuxsaday faaidada ay  leeyihiin  laydhadhka ku shaqeeya qoraxda iyo qaabka ugu wanaagsan ee lagu dayactiri karo si ay mudo badan u sii shaqeeyaan.

Waxaa aqoon isweydaarsi tababarka ka soo ka qeyb galay musuuliyiin ka kala socday maamul goboleeyada dalka ka dhisan sida  Wasiiro iyo Wasiir ku xigeeno, sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay aqoon isweydaarsiga qubarro ku xeel dheer arrimaha leydhadhka ku shaqeeyo ileyska qoraxda.

Waxaa tababarkaan gacan weyn ka siiyey Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta hayada TIS+ for Somalia –USAID iyadoo ka shaqeysa kobcinta awooda hayada dowlada iyo arrimaha bulshada, TIS+ waxay ku hawlan tahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka  taas oo keentay in ay TIS+ garab ku siiso wasaaradda hawlaha Guud suura gelinta  qabashada tababarkaan.

 

Related Articles