Home » Dhacdooyinkatitle_li=Wararka & Dhacdooyinka » Xilwareejin

Xilwareejin

Maanta oo ay taariikhdu tahay 04/04/2017 waxaa ka dhacday xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib-u-dhiska xaflad aad u qiimo badan si heer sare ahna loo soo agaasimay, waxaana xilka Wasaaradda la wareegay Wasiirka cusub ee Wasaaradda mudane Cabaas  Cabdullahi Sheekh Siraaji, i waxaana xilkaas ku wareejiyey  wasiirkii hore mudane Saalax sheekh Cusmaan  si weyna u soo dhoweeyey , isagoo halkaas ka jeediyey khudbad soo dhoweyn ah  warbixin koobana ka bixiyey heerka ay soo martay Wasaaradda iyo  sida hadda loo dhisay xarun ay ku hawl gasho Wasaaradu  , waxaana goob joog ka ahaa xil kala wareejinta Raiisal Wasaare ku xigeenka JFS oo isagana mahadnaq u jeediyey dhamaan Wasaaradda Hawlaha Guud.

Waxayna wasaaraddu xiligan yeelatay  Wasiir, Wasiir ku Xigeen iyo Wasiira Dowle kuwaas oo maanta la wareegay xilka wasaaradda .

Wasiirka cusub oo halkaas hadal  yar oo kooban ka soo jeediyey wuxuu balan qaaday in uu sii wadi doono horumarinta Wasaaradda.

1  2  3  4  5  7  8  9  10   11

Related ArticlesTagged