Home » Wararka & Dhacdooyinka » Tacsi Qaran

Tacsi Qaran

Waxa uu Geeriyooday Wasiir Cabaas Cabdullaahi Sh. Siraaji habeen Arbaco xili fiid ah 7:20pm taariikh  tahay 03 May 2017. Wasiir Cabaas waxa uu ahaa qof hidadiilo sare ka leh dib u soo celinta haybadii  iyo qarankii Soomaaliyeed ee burburay

Wasiir Cabaas waxa uu ahaa qof ay ku dayanaayaan dhalin yarada Soomaaliyee oo “Role Model” u ah. Wasiir cabaas xiligii la soo magacaabay waxa uu isbedel muuqda ku sameeyay hanaanka habsami u socodka shaqada WHG.

waxa uu xilka la wareegay 04 April 2017.  Mudada uu shaqeeyay Wasiirka waxa ay ahayd 30 cisho oo kaliya, balse waxa uu qabtay wax ay ka badan 30 bilood wixii lagu qaban lahaa.

Allaha u naxariisto Mudane Cabaas wuxuu ku tilmamnaa karti iyo hufnaan sidoo kale waxa uu lahaa aragti aad u fog oo sal u ah Nabad iyo Nolol.

Wasiir Cabaas Mudadii yareed ee uu  joogay Wasaaradda waxa uu kasbaday quluubta iyo niyada Shaqaalaha WHG, midaa oo keentay in ay aad ugu naxaan geeridii ku timid Wasiir Cabaad oo aanan waligooda hilmaami doonin md Cabaas.

Waxa ay Shaqaalaha WHG go’aan ku gareen in loo sameeyo Wasiir Cabaas TACSIYO QARAN iyadoo lala kaa shanaayo Madaxda Qaranka dalka. Sidoo kale, in loo sameeyo Xusuus gaar ah ee ka muuqata Dhismaha WHG.

was    2  3

إنا لله وإنا إليه راجعون إن لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيء عنده باجل مسمى فلتصبروا ولتحتسبوا وكل الناس ذائقه اللهم اجعل في قبره روضه من رياض الجنة اللهم ارحمه ووسع مدخله وأكرم نزله ,العين تدمع والقلب يحزن ولا نقول إلا ما يرضى الله ” اللهم امين يارب العالمين

 

Related Articles