Home » Uncategorizedtitle_li=Wararka & Dhacdooyinka » Tusmada Hawlqabdaka 100-ka Maalmood

Tusmada Hawlqabdaka 100-ka Maalmood

Waaxda Qorshaynta WHG waxa ay samaysay xog uruurin dhamaan Waaxyaha Wasaaradda si loo sameeyo qorshe hawleedka Sanadka 2017 oo salka ku haya Qorshaha Hormarinta Dhaqaalaha 2017-2019.  Iyadoo  xogtii la aruuriyay loo asteeyay qorshaha fog iyo midka dhaw.

Waxa uu Qorshaha dhaw ka kooban yahay sideed (8) qodob oo suura gal ah in la fuliyo taa oo  ay isku raaceen mas’uuliyiinka Wasaaradda Hawlaha Guud in uu noqoto  “Tusmada Hawqabadka 100ka Maalmood” sanaka 2017

# Hawgalka 100-ka maalmood
1 Daahfrurka Mashruuca Tayaynta Wasaaradaha Hawlaha Guud ee Dalka ay Maalgelineyso (AfDB), fulinta ka caawineyso UNOPS.
2 Dib-u-hawgalinta mashruuca tayaynta hay’adda Jidadka ee Federal iyo hey’adaha jidadka ee Qaar ka mid ah maamul Goboleedyada, Maalgelinta EU iyo Germany, filinta naga caawineyso (GIZ).
3 Taabagalinta Hubinta Qalabka Dhiska
4 Meelmarinta siyaasada mashruuca biyeynta, bullaacadaha iyo badqabka magaalooyinka (Urban Wash)
5 Uruurinta hanti maguurtda WHG
6 Dardar galinta diiwaangalinta   Kaabooyinka Dalka
7 Dardar galinta diiwaangalinta  Shirkadaha & Egineerada Dhismo
8 Tababarka Diyaarinta Naqshadaha  (Design Standardization)

 

Related Articles