Shirkan oo laba maalmood usocday agaasime waaxeedyada wasaarada hawlaha guud, dib u dhiska & guriyeyntan DFS ayaa lagu dar dar galinayey Shaqada wasaaradda & sidii la isu waafajin lahaa Qorshayaasha Udegsan Waaxkasta.
Dajinta qorshe hawleedka ee waaxyaha wasaaradda Hawlaha guud ayaa qayb ka ah Kor u qaadista Shaqada Wasaaradda & hiigsiga Qorshaha Xukuumadda 2020.
Waxaana kasooqayb galay gabagabdii Shirka Wasiirku xigeenka Wasaatadda hawlaha guud Jamal Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Guud Axmed Maxamed Iimaan, Agaasime Waaxeedyada & Qaar kamid ah hawl wadeenada Wasaarada.
Ugu horayntii Agaasimaha Guud wasaaradda hawlaha Guud Axmed Maxamed Iimaan ayaa yiri “Hawshan aan wadnay waxay ahayd hawl aan Qorshe hawleedka kusamaynay oo aan doonano sanadka cusub ee inagu soosocda in Wasaaradda & Waaxyaha ay qeexaan Shaqada ay qaban lahaayeen oo step by step loo calaameeyey.
Waxaan rajaynanaa bisha soosocota ee December dhexdeeda inaan markale isu nimaadno oo hawashan kusoo gunaanadno, Soojeedinna aan kasamayno si ay wasiiradu ugu gudbiyaan Xafiiska Ra’isal Wasaaraha Waxa ay Wasaaraddu qaban doonto Sanadka soosocda”
Wasiirku xigeenka Wasaaradda Hawlaha guud Jamal Xasan Ismaaciil oo soogaba gabeeyey Shirka waxa uuna bogaadiyey Shaqada Culus ee ay qabteen Agaasimaha Guud & Agaasime Waaxeedyadu mudadii labada Maalmood ahayd “Agaasimayaasha oo uu Ugu horeeyo Agaasimaha Guud & Shaqaalaha Wasaaradda ee runtii aqoonta lehe idin kabayaba waxaan usoojeedinayaa Hambalyo waxaa kaloo idinku bogaadinayaa inaan halkaa lagu joojine ee bandhig dhamaystiran oo hiigsigeena 2019 ah inagoo sharaxi karna oo howshaa maanta qabateen si tafatiran u shaacin karna inaan lawadaagno Ra’isal wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre”














DHAMMAAD





