Xafladii Xilwareejinta:
Waxaa xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud ka dhacday xaflad xil wareejin ah, taas oo uu xilka kula wareegay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud mudane, Xildhibaan. Cabdifataax Maxamed Ibraahin (Geesay), waxaana xilkaas ku wareejiyey Wasiirkii hore mudane Eng. Sadiq Cabdullahi Cabdi.
Waxaa xaflada xil wareejinta ka soo qayb galay goob joogna ka ahaa Raiisal Wasaare ku Xigeenka Xakuumada Jamhuuriyada Federaalka Somaaliyeed mudane Mahdi Axmed Guleed (Khadar) , Wasiiru Dowlaha Xafiiska Rasiisal Wasaaraha, xildhibaano iyo shaqaalaha waynaha Wasaaradda.
Mudane, Xil. Cabdifatax Maxamed Ibrahim “Geesay” ayaa loo soo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud markay taariikhdu ahayd 24.May, 2018




