Wasiirka wasaaradda Hawaha guud iyo dib u dhiska , Mudane Cabdifitaax Ibraahin Geeseey ayaa heeshiis ku saabsan dib u dhiska dalka la galay dhigiisa dawladda Talyaaniga. Lacagta ay Dawladda Talyaaniga ugu deeqday uguna tala gashay dib u dhiska Soomaaliya ayaa gaarayso 1,200,000 Dollar. Waxaa heshiiska goob joog ka ahaa Wasiirkii hore ee wasaaradda Hawlaha guud Mudane Saadiq Cabdullahi Cabdi.




