Shir Saxaafadeed
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11/08/2018, shir saxaafadeed ku qabtay xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud Waiirka Wasaaradda Mudane, Xildhibaan. Cabdifataax Maxamed Ibraahin.
Shir saxaafadeedkaas waxuu ku saabsanaa Wada shaqeynta iyo wada tashiga Wasaaradda Hawlaha Guud ee Federal iyo Waasaradaha Hawlaha Guud ee Maamul goboleedyada.
Shirka wada tashiga ah oo ay marti gelinaysay Wasaaradda Hawlaha Guud oo la qabtay 6-10 /08/2018,waxaana ka soo qayb galay dhamaan Wasaaradaha Maamul Goboleedyada sida WHGG ee Jubbaland,WHGG ee Puntland, WHGG ee Hirshabeele, WHGG ee Galmudug, WHGG ee Konfur Galbeed.
Waxaana ka soo baxay War Saxadeed qodobada soo socda
- In Wasaaradda Hawlaha Guud ee Federalka tahay hogaanka Wasaaradaha Hawlaha Guud ee heer Federal iyo heer Dowlad goboleed intaba.
- In la tiro kobo Hanti ma guurtada Qaranka sida Dhulalka, Guryaha, Garaashyada IWM
- Dardar gelinta siyaasada lagu hagayo dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha ee dalka
- In si wadajir ah loo diiwaan geliyo mashaariicda dib-u-dhiska dalka ka socda laguna aruuriyo diiwanka guud ee xogaha ee yaalla Wasaaradda Hawlaha Guud ee fedralka
- Tayeynta hogaanka shaqo ee WHGG, horumarinta aqoonta shaqaalaha ee
- Heer Federaal
- Heer Dowlad Goboleed
- Heer Dowlad Hoose iyo Degmo
- Taabo gelinta hogaan shaqo oo isku xira Wasaaradda Hawlha Guud, dejinta sharuuc casri ah oo la jaan qaada isbedelka iyo horumarka dunida ka jira, lana diyaariyo mashaariic & qorshayaal u horseeda dalka ka faaidaysiga fursadaha jira
- Hiigsiga tiirarka kaga aadan WHGG Himilooyonka horumar waara (HHW 2030)
- Qalabeynta iyo isku dubaridka howlaha nashqadaynta Qaranka & qorshayaasha horumarineedee la xariira kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
- Qabanqaabinta shirweyn maalinta caalamiga ah ee magaalooyinka dunida, laguna martiqaadi doono dhinacyada ay khuseyso.
- Wasaaradaha Howlaha Guud waxay isku afgarteen in ay wada tashi ka yeeshaan howlahooda shaqo, sidoo kale loo magacaabo guddi farsamo oo dardar geliya shaqooyinka kala duwan
- Waxay ku heshiiyeen in ay nidaamiyaan diiwaan gelinta shirkadaha iyo shati bixinta
- Gebogabadii xubnaha WHGG ee dalka waxay ka codsadeen madaxda Qaranka heer federal & heerdowlad goboleed, sidoo kale dhinacayada ka caawiya Soomaaliya dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha in ay gacan ka siiyaan WHGGdadaalada lagu qabaynayo howlaha farsamolaguna beegsanaayo dejinta sharuucda kala fududeynaya kaabayaasha burburay, taaba gelinta mashaariicda horumarineed iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha .
Wabilaahi Towfiiq




