Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey Ayaa Xilkii Ukala Wareejiyey Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Axmed Iimaan Gees & Kusimihii Agaasimaha Guud Oo Ahaa Agaasimaha Maaliyadda Ee Wasaaradda Eng. Maxamed C/qaadir Yariisow.
Munaasibadda Oo Kadhacday Xarunta Wasaaradda Waxaa kasooqayb galay Dhammaan Agaasime Waxeedyada & Shaqaadaha Wasaaradda.
Ugu horayntii Eng. Maxamed C/qaadir Yariisow Oo Ahaa Kusimaha Agaasimaha Guud Ayaa ka Hadlay Waxqabadkiisii Mudadii koobnayd ee uu ahaa Kusimaha Agaasimaha Guud Waxa uuna balanqaaday In isaga & Dhamman Agaasime Waaxeeyada Wasaaraddu ay si hufan ulashaqayn doonaan Agaasimaha Cusub.
Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Axmed Iimaan Gees ayaa Bogaadiyey Hawlaha Kasocda Wasaaradda Waxa uuna Balan qaaday inuu la imaan doono Qorsheyaal Cad Cad Oo Lagu siihorumarindoono Shaqada Wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dibu dhiska & Guriyeynta DFS Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey Ayaa Munaasibadda kasheegay in Xilku Uu yahay Meerto Kusimihii Agaasimaha Guud Ayuu ku amaanay Shaqadii Uu Sooqabtay Waxa uuna Agasimaha Cusub Kula Dardaar Inuu layimaado Shaqo Wanaag.
Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud Axmed Iimaan Gees Waxa uu horay Agaasime Uga Soonoqday Wasaaradaha Ganacsiga, Bay’adda, & Kaluumaysiga Ee DFS.
Dhanka Kale Waxaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dibu dhiska & Guriyeynta DFS Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey uu Isku Shaandhayn kusameeyey Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda.
…DHAMMAAD…


















