Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Axmed Maxamed Iimaan Ayaa Maanta Shir gudoomiyey Shirka Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha kumidaysan Madasha Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka Oo Kadhacay Xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud.
Shirkan ayaa waxaa looga hadlayey Sidii loodiyaarin lahaa tiirarka ugu muhiimsan ee Qorshaha istiraatiijiyadda kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.











