Muqdisho, Abriil 30, 2019; Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa Daah furay Shir looga hadlayey muhiimadda uu leeyahay dhagaxa wadooyinka lasaaro ee looyaqaano
Cobblestone iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa.
Shirka waxaa kasooqayb galay Wasiirada Wasaaradaha Hawlaha Guud ee Maamul Goboleedyada, Madaxada Haayadaha NISfoundation, TIS+ & USID.
Intii uu shirku socday waxaa lagu soobandhigay sida looga faa’iidaystay mashaariic dhagaxa Cobblestone-ka lagu dhisay qaar kamid ah Wadooyinka yar yar ee xaafadaha magaalada Baydhabo, kuwo hadda ay socoto dhismahooda & Qorshaha kan xiga sidii looga hirgalin lahaa Magaalooyinka kale ee Gobolada Dalka.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Cabdi Aadan Hoosow oo ka hadalay furitaanka ayaa sheegay in Dhagaxan Cobblestone-ku uu muhiid wayn u leeyahay dhismaha Wadooyinka yar yar ee dhexmara xaafadaha Magaalooyiinka taas oo qayb wayn kaqaadanaysa dib u dhiska & bilic soocelinta guud ahaan Magaalooyinka Dalka.
Madaxda kasocotay maamul goboleedyada ayaa iyaguna sidaas si lamid ah soodhoweeyey mashaaruucan ladoonayo in wadooyinka yar yar lagu dhiso dhagaxan Cobblestone-ka.











