Muqdisho, May, 06, 2019; Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa shir gudoomiyey shirka kaabayaasha dhaqaalaha Dalka oo Sadexdii biloodba mar lagu qabto magaalada Muqdisho.
Waxaa kasooqayb galay Wasaaradaha Kaabayaasha dhaqaalaha Dalka ee kala ah Wasaaradda Hawlaha Guud & Dib u dhiska, Wasaaradda Tamarta & Khayraadka Biyaha, Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta, Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda, Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Ra’isal Wasaaraha, Xubno kasocday Maamul Goboleedyada Dalka, Madaxda Haayadaha Qaramada midoobay & Wadamada Taageera Soomaaliya Oo ay kamid ahaayeen Italian Coorperation, World Bank, African Development Bank, UNDP, UNOPS, & UN-Habitat.
Shirka ayaa waxaa looga Wada hadlay intii uusocday Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka, Dhegaysiga Warbixinada Waxaayabahii Qarsoomay & Sidii loo dardar galin lahaa Dhismaha Mashaariicda kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka ee qabyada ah.
















