Muqdisho 13, 02, 2020; Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud DFS ahna Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Eng. Maxamed Cabdiqaadir Xuseen Yariisow ayaa sooxiray Shir wadatashi ah oo u dhaxeeyey Wasaaradda Hawlaha Guud DFS, Wasaaradaha Hawlaha Guud ee Maamul goboleedyada dalka & Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank) oo soconayey muddo saddex maalmood ah.
Shirkan ayaa looga doodayay waxyaabahii ka qabsoomay mashruuca dib u dhiska waddooyinka isku xira gobolada dalka (Road Infrastructure Program RIP) oo lagu dhisayo ilaa afar Waddo oo isku xira gobolada Dalka, waxaana lafilayaa in bartamaha sanadkan 2020 laga bilaabi doono gobolada dalka.
Agaasime Eng. Maxamed Cabdiqaadir Yariisow iyo Dhigiisa Jumbe Katala ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa ugu dambayntii kala saxiixdey heshiis is afgarad oo ka dhashey doodihii soconayey saddexdii maalmood ee shirkan.











