Ra’isal Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xilka u kal wareejiyey Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS ahna siihayaha Wasiirka Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil iyo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Mudane Maxamed Aadan Macalim (Soomaali).
Xafladda xilwareejinta oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud DFS ayaa waxaa kasooqayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, & Shaqaalaha Wasaaradda.
Ugu horayntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Axmed Maxamed Iimaan ayaa kusoodhoweeyey xarunta Wasaaradda Ra’isal wasaare kuxigeenka XFS, Wasiirka cusub & dhammaan marti sharafta kasooqayb galay xafladda Xil wareejinta.
Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda ahna siihayaha Wasiirka Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda mudadii uu xilka hayey waxa uu sheegay in Wasaaadda hawlaha guud ay gacanta ku hayso mashaariic dhowr ah oo lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha & dib u dhiska Dalka, Sharciyo kala duwan oo laxiriira dhismaha iyo in la hir galiyey Shaybaarka hubinta Qalabka dhismaha taasoo ah guul usoo hoyatay Wasaaradda Hawlaha Guud.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamed Aadan Macalim (Soomaali) ayaa madaxda sare ee dalka uga mahadceliyey xilkan culus ee ay u gartay inuu qaado ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Waxa uu sidoo kale ka hadlay hamigiisa waxqab ee uu doonayo inuu kusoo kordhiyo Wasaaradda mudada uu joogidoono.
“Maadaama aan waqti yar haysano waxaan rabaa in dhamaan Wasaaradda, Agaasimayaasha & Shaqaalaha aan garabka isqabsano waqtiga adag oo aan kujirno aad ila shaqaysaan oo anigana aan sxb gaar ah aan idinla noqodo si aysan maalinna inooga khasaarin, saacad, daqiiqad xitaa aysan nooga khasaarin” ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomali.
Ugu dambayntii Ra’isal Wasaare kuxigeenka XFS ayaa sooxiray xafladda xilwareejinta Wasiirka cusub ayuuna kula dar daarmay inuu kasoodhalaalo shaqada cusub ee loo igmaday waxa uu sheegay in dib u dhiska dalku uu muhiimad gaar ah u leeyahay Dowladda Faderalka Soomaaliya.


















