Muqdisho, Oktoobar 14, 2021; Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS Xil. Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi kasocday Bangiga Addunka oo kormeer iyo indha indhayn ugu yimid Wasaaradda Hawlaha Guud DFS iyada oo uu soodhammaaday wajiga 1aad ee Mashruuca Surp I hadana uu bilawday wajigiisii 2aad oo kasocda dhammaan dowlad goboleedyada dalka qaybna ka ah mashaariicda dib u dhiska dalka.
Shirka ayaa waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud Axmed Maxamed Iimaan, Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Eng. Maxamed Yariisow, Agaasimaha Mashaariicda C/laahi Fariimoos
Iyo Saraakiil kale oo mashruuca gacanta ku haya.
Wafdiga kasocday World Bank ayaa Wasaaradda Hawlaha Guud ku ammaanay sida hufnaanta leh ee ay Wasaaraddu u hogaaminayso mashruucan.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa uga mahad celiyey Bangiga Adduunka garab istaagooda dib u dhiska Dalka.
Ugu dambayntii labada dhinac ayaa isku afgartay in la dardar galiyo Mashruuca surp II si uu ugu soodhamaado waqtigii loogu tala galay.
DHAMMAAD.
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
MPWR Press Office
Email: Info@mpwr.gov.so
web: https://mpwr.gov.so/
Facebook: https://www.facebook.com/mopwrh
Twitter: https://twitter.com/mpwr_somalia













