Agaasimaha guud ee wasaaradda Hawlaha guud dib u dhiska iyo guryeynta , Eng.Mohamed Abdikadir Hussein iyo agaasime waaxeedyada wasaaradda ayaa qaabilay hawl wadeeno ka socda xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo ay si wadajir ah u diyaarinayeen qorsha howleedka wasaaradda ee Tubta Arimaha Dhaqaalaha oo uu xafiiska ra’iisul wasaarahu garhayeen ka yahey. Wuxuu sidoo kale agaasimaha la kulmay madax ka socota Wasaaradda Qorsheynta iyo World Bank kuwaasoo Wasaaradda Howlahaguud kala hadlayey sidii loo bilaabi lahaa cilmi baaris ku aadan jaangoynta magaalooyinka.


