Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS ayaa Maanta Shir layeelatay Shirkada Kashaqeeya Dhismaha Ee Gobolka Banaadir.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Jamaal Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Guud Eng. Maxamed C/qaadir Yariisow, Agaasime waaxeedyada Guriyeyn, Dib u dhiska, Qorshaynta, & Wakiilada Shirkadaha Dhismaha ayaa kasooqayb galay Kulanka.
Waxaa ujeedada ugu wayn Ee Shirka ahayd Sidii looga qayb qaadan lahaa Barnaamijka Isxilqaan ee Madaxda Sare Ee Dalka ay Kudhawaaqeen & Sidii Wasaaradda Hawlaha Guud & Shirkadaha Kashaqeeya Dhismaha ay u wada Shaqayn lahaayeen.
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Eng. Maxamed C/qaadir Yariisow ayaa ugu horayntii Furay Shirka Waxaa uuna sheegay in ilaa 15 Marshruuc Oo Barnaamijka Isxilqaan ah dhowaan laga fulin doono Dalka uuna kaduwanyahah Mashaariicdii hore, Iyadoona Qaab iskaa Wax u qabso ah & Iskaashi Dhanka Dawladda & Shirkadaha dhismaha ah lagu fulin doono.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dibu dhiska, & Guriyeynta DFS Jamaal Xasan Ismaaciil ayaa u mahadceliyey Madaxda Shirkadaha Kashaqeeya Dhismaha kasooqayb galkooda Shirkan.
Barnaamijka Isxilqaan ayuu kudhiirigaliyey inay qaybtooda kaqaataan Sharkadaha Dhismaha ee dalka waxa uuna Sheegay in Shirkadaha Iska diiwaan galiyey Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta ay Muhiimadda 1aad Ee Fulinta Mashaariicdaasi ay leeyihiin.
Ugu Dambayntii Qaar kamid ah Shirkadihii Kasooqayb galay Shirka ayaa Kahadlay kulanka Waxayna dhamaantood Soodhoweeyeen Barnaaminkan Isxilqaan.




















