Waxaa Maanta Waraysi (Interview) laga Qaaday 26 Dhalinyara ah kuwaasoo uu Tartamaya 5 boos Oo Kamid ah 12kii boos Ee Horay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guryeynta DFS Ugu Xayeysiiyey Qalabka Warbaahinta.
Dhalinyaradan ayaa Kamid ah Boqolaal Qof Oo Soocodsaday Shaqoonkan Kala Xulasho Dheerna Waxay kamid Noqday Short list ga.
Shanta boos ee Maanta Waraysiga (Interview) laga qaaday ayaa kala ahaa
1. Arichitect Officer
2. Enviromental Engineer
3. Bridge Engineer
4. Building Engineer
5. Strategic Advisor
Qaybo kale ee dhiman ayaa iyagana laga Qaadidoonaa Waraysiga Shaqada (Interview) Maalmaha Soosocda.










