Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhagax dhigay xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay karti iyo awood u leeyihiin dib u soo celinta xarumihii danta guud iyo bilicdii uu ku tilmaamnaa dalku.
Dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka ayaa Qayb ka ah Barnaamijka Isxilqaan Ee horay ugu dhawaaqay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Waxaana Qorshuhuyahay in lagu dhiso Dhamaan Xarumahii Danta Guud Ee ku Burburay Dagaaladii Sokeeye Iyadoona ay Fulinayso Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS.
“Maanta waa maalin weyn oo muujinaysa sida ay nooga go’an tahay in aan dalkeenna dib u dhisanno. Macno weyn ayey leedahay in halkan ay ka bilaabato howlaha dib u dhiska Xarunta Golaha Murtida, isla markaasna aan u gudubno dayactirka iyo dib u dhiska goobaha kale ee guud ahaan dalka.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay Tiyaatarka Qaranka, isagoona kula kulmay qaar ka mid ah hormuudka bahda fanka iyo Hobollada Waaberi.
Munaasabadda dhagax dhigga dhismaha Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka waxaa ka soo qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda.












