Madasha Wadatashiga Wasaaradaha Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka Oo Ay Kumidaysan yihiin Wasaaradaha Kala ah:-
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta, Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada, Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha, Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Tiknoolajiyadda, Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda, Wasaaradda Tamarta & Khayraadka Biyaha, Wasaaradda Maaliyadda Iyo Waaxda Bey’adda Ee Xafiiska Ra’isal Wasaaraha Oo ay Hogaaminayso Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Ayaa Shir kuyeeshay Magaalada Muqdisho.
Waxaana Ujeedada Shirku ahaa Soobandhigista Istaratiijiyadda Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka Oo ay Siwadajir ah usoowada diyaariyeen Wasaaradahan.
Waxaa kasoo qayb galay Shirka Waasiirka Hawlaha Guud Cabdifitaax Maxamed Ibraahin Geesey, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Tiknoolajiyadda Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Maxamed Cabdilaahi Salaad Oomaar, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Prof. C/laahi Shiekh Cali Qaloocow, Wasiir kuxigeenka Dekedaha & Gaadiidka Badda Cismaan Maxamed Daalo, Wasiir kuxigeenka Tamarta & Khayraadka Biyaha Cismaan Aw libaax & Hawl wadeenada Gudiga Diyaarinta Istratiijiyadda Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha Oo kakala Socda Wasaaradahaas.
Shirku intii uu socday Waxaa lagu soobandhigay Qabyo Qoraalka Istaratiijiyadda Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka kadibna waxaa la isku waydaarsaday Fikrado & Waxyaabaha Lagu dari karo iyo Wixii laga dhimi karo Dhamaan Waxaa la isla qaatay Waxyaabihii lasoojeediyey.
Dhammaan Wasiirada & Wasiir kuxigeenadii Kasooqayb galay Shirka ayaa Amman & Bogaadin u jeediyey Gudiga Khubarada & Agaasimaayaasha Wasaaradaha Ee Soodiyaariyey Qabyo Qaraalka Istaraatijiyadda Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka.
Ugu dambayntii Cabdifataax Geesey Wasiirka Wasaraadda Hawlaha Guud ayaa Warbaahinta U Akhriyey Warmurtiyeed kasoobaxay Shirka Waxa uuna yiri
“Ujeedada Madashu Waa in Wasaaradaha Kaabayaasha Dhisme Dhaqaale ee Dalka ay Sijoogto ah Oo Wadajr ah U Abaabulaan, Fuliyaan, Ugana Warqabaan Horumarinta Kaabayaasha Dhisme Dhaqaale ee Dalka.
Go’aanka Madasha
Madashu Waxay Shirkeedii ay yeelatay Maanta Oo Taariikhdu tahay 24 Oct 2018 Go’aansatay
1. In Qabyo Qoraalka Istaraatijiyadda Kaabayaasha Dhisme Dhaqaale ee Wadanka labaahiyo si ra’yigooda ugu biiriyaan Haayadaha kale ee Dowliga ah, Dowlad Goboleedyada Xubnaha Ka ah Dowlada Federalka, Deeqbixiyeyaasha & Hay’adaha Caalamiga ah Qabyo Qoraalka Waxaa kasooshaqeeyey Khubaro & Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Kaabayaasha Dhisme Dhaqaale ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya.
2. Waxaan ku adkaynanaa Khubarada Wasaaradaha Kaabayaasha Dhisme Dhaqaale ee Dalka inay kusoodhamaystiraan Istaraatijiyada Qaran ee Horumarinta Kaabayaasha Dhisme Dhaqaale ee Dalka Muddo kusiman Saddex bilood taasoo lamacna ah kahor Sanadka 2019ka.
3. Waa in istaraatijiyadda Horumarinta Kaabayaasha Dhisme Dhaqaale ee Dalka Diiradda lagu Saaro Shanta Sano ee Soosocota.
Mahadsanidiin”
–DHAMMAAD–
























