Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska, & Guriyeynta DFS ayaa maanta ka qeybgalay barnaamijka isxil-qaan oo lagu dhisayo Xarumaha Danta Guud Ee Dalka.
Waxaana Hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdi Aadan Hoosow, Agaasimaha Guud Axmed Maxamed Iman, Agaasime Waaxeedyada & Shaqaalaha Wasaaradda.
Gudaha dhismaha Tiyaatarka Qaranka ayey kabilaabeen Howlaha dacatirka iyo dib u dhiska isugu jira, iyadoo dhammaan qeybaha kala duwan ee uu ka kooban dhaqa adag laga qabtay.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud Axmed Maxamed Iimaan ayaa ka hadlay doorkooda ku aadan isxilqaan ‘’Waxaa sharaf inoo ah in aan maanta wareegii 3-aad ee wasaraadda Howlaha guud aan isugu imaano dhismaha Tiyaatarka, iyadoo uu ina hoggaaminayo wasiirkeyna Hoosow oo balanqaaday in uu ku soo noqnoqonaya waxbadan, iyadoo la fulinayo awaamiirtii madaxda qaranka, marka wasaaradda howlaha guud oo wadata waaxyaheeda kaladuwan iyo Injineeradii waan ku faraxsanahay’’ Ayuu yiri Agaasimaha Guud Axmed Maxamed Iman.
Mudane Cabdi Aadan Hoosow Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Soomaaliya ayaa bogaadiyay dadaalada ku aadan ka qeyb qaadashada dib u dhiska Dalka ‘’Soomaaliya waa ay soo laabatay, Soomaali ahaadanahay waan soo noqonay dad badan ayaa rabay in magaceena uu baaba’o Soomaaliga xalaasha ah waxaa ka go’an in uu dhisto dalkiisa, war nikii dalkiisi burbur iyo kaalay ka qeyb qaado dhismaha dalkaaga, waxaan rabaa in aan fuliyo balanqaadkeygi ahaa in aan halkan joogto ku ahaado maadaama wasaarddu ay hormuud ka tahay howlahani’’ Ayuu yiri Wasiir Cabdi Aadan Hoosow

















