Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shir laba maalin socanayo oo looga hadlayo dib-u-dhiska dalka.
Shirkan ayaa Waxaa hogaaminaysa Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS, Waxaana la qabtaa Saddexdii biloodba mar, Shikanna Waxa uunoqonayaa kiisii Sagaalaad iyadoo wax la ika waydiiyo Hawlaha Dib u dhiska Dalka halka ay marayaan, Waxii qabsoomay, Kuwa aan Qabsoomin & Qorshaha Xigi doona.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dib-u-dhiska dalku uu aad muhiim ugu yahay dawladda Soomaaliya maadaama uu dalku kasoo kabanayo bur-burkii ka dhashay dawlad la’aanta, sidaa darteed ka qayb galayaasha kulanka laga doonayo in si aad ah ay uga doodaan hannaanka ugu habboon ee qorshaha dib-u-dhiska dalka.
Wasiirka hawlaha guud,dib u dhiska iyo guryaynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdi Aadan Hoosow, oo kulanka ka war bixiyay ayaa sheegay in shirkan oo ah kii sagaalad oo looga hadlo dib-u-dhiska dalka uu soo gebageboobayo maalinta berri ah, lana filayo in ay kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan.
Wasiir Hoosow ayaa sheegay in shirkaan lagu lafa gurayo qaybgaha hor-tebinta leh ee dib-u-dhiska dalka iyada oo lagu jaangoynayo qorshaha horumarinta qaranka.

h

iska Da





