Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska & Guriyeynta DFS Cabdi Aadan Hoosow oo ay wahelinayaan Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Axmed Maxamed Iimaan, Agaasime Waaxeedyada & Shaqaalaha Wasaaradda ayaa kaqayb qaatay Maanta Olole Nadaafadeed oo Qayb ka ah Barnaamijka Isxil-qaan.
Dhamman Qaybaha Kala duwan ee Wasaaraddu kakoobantahay ayaa laga fuliyey Ololaha Nadaafadeed iyadoo ay madaxda & Shaqaaluhu si isku mid ah uga Qayb qaadanayeen.
Dhanka kale Wasiir Cabdi Aadan Hoosow, Agaasimaha Guud Axmed Maxamed Iimaan & Xubno kasocda Wasaaradda Hawlaha Guud waxa ay kormeer kutageen Xarumaha uu kasocdo Barnaamijka Isxil-qaan oo ay kamid yihiin Tiyaatarka Qaranka, Mad-xafka Qaranka & Maktabadda Qaranka iyagoo Warbixino kadhagaystay Masuuliyiinta Gacanta kuhaya Barnaamijka Isxilqaan Halka uu maryo & Siday Shaqadu u Socoto.
Sidoo kale Waxa ay dhiiri galiyeen Shaqaalaha Dowladda ee kaqayb qaadanaya Shaqada Isxil-qaan, Iyagoo amaanay Shaqadii lasooqabtay.























