Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa Shir layeeshay Madaxda Haayadda GIZ Oo Wasaaradda Hawlaha Guud ay kala dhaxayso Wadashaqayn Wanaagsan.
Shirkan ayaa ahaa mid lagu dar dar galinayey isla markaan la iskaga waraysanayey Halka ay marayaan Mashaariicda Wasaaradda & GIZ Isla Wadaan, Waxyaabaha dhiman & Hiigsiga Halka loosocdo.
Haayadda GIZ ayaa Wasaaradda Hawlaha Guud ka tageeraysa Dhismaha & Diyaarinta Shuruucda Haayadda Jidadka Soomaaliyeed (Somali National Highways Authority).
“Haayadda GIZ waxay nagala shaqaysaa dib u dhiska wadooyinka Wadanka Haayadii ama Wakaaladii nooqaabilsanayd jidadka Soomaaliyeed ayey noodhisaysaa, Shuruucdeedii ayey naga caawinaysaa Waxbadan ayey Hawshaasi soosocotay Maantana Waxaan Iska waraysanay Halka ay maraso, Waxyaabihii Nooqabsoomay & Waxa loobaahanyahayna in la dhamaystiro ayaan kawada hadlaynay” ayuu yiri Wasiir Cabdi Aadan Hoosow.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa Maalmahan waday Kulamo gaar gaar ah oo uu layeelanayey Madaxda Haayadaha Wadashaqaynta Dhow ay leeyihiin Wasaaradda Hawlaha Guud.
“Waxaan beryahanba wadnay inaan la fariisano haayadaha la shaqeeya Wasaaradda oo la sheekaysananey, oo kala warqaadananey beryahanba.
Waxaan la fariisanay NIS Foundation, Waxaan la fariisanay TIS+, Waxaan la fariisanay UNOPS Waxaa hadda nooqorshaysan inaan la fariisano Bangiga aduunka, Waxaan lafariisan doonaa Bangiga Horumarinta Afrika oo iyaguna kaalin wayn kuleh dib u dhiska wadanka” Ayuu Hadalkiisa siiraaciyey Wasiir Hoosow.
Dhamaan qodobadii laga wada hadlay ayaa la isku waafaqay Waxaana shirku kusoodhammaaday siwanaagsan.


















