Wasiirka & Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guryeynta DFS Cabdi Aadan Hoosow iyo Jamaal Xasan Ismaaciil Ayaa Siwadajir ah uga qayb Galay Shirka tubta horumarinta dhaqaalaha oo maanta lagu qabtay Xarunta wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa guddoominayay shirka waxaana lagu falanqeeyey Halbeegyada Tubta horumarinta dhaqaalaha ugu jira wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.
Waxaa kamid ah dhiirri gelinta iyo suuq-gaynta khayraadka gudaha, abuuridda suuqya heer caalami oo loo iib geeyo badeecadaha dalka, in la dhaqan geliyo sharciga maalgashiga, in laga shaqaysiiyo guddiga sare ee maal-gelinta shisheeye iyo samaynta siyaasad lagu horumarinayo ganacsiga dalka.
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS ayaa Xubin firfircoon ka ah Tubtan horumarinta dhaqaalaha.












