Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa Kaqayb galay Dhagaxdhigga Dhismaha Wadooyinka Jowhar & Afgooye.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Xasan Cali Khayre, ayaa daah-furay mashruuca dhismaha waddooyinka isku xira Muqdisho iyo magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye.
Waxaa Kaqayb galay Madaxwaynayaasha maamul gobaleedyada Hir-shabeelle iyo Koonfur Galbeed.
Dhismaha Labadan Waddo ayaa Kaalin wayn kaqaadan doonta Isku Socodka Bulshada & Koboca dhaqaalaha Dalka.
Waana qayb kadib ah Dibu dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka Oo Dowladda uu Hogaamiyo Madaxwayne Maxamed Cabdilaahi Maxamed Farmaajo & Ra’isal Wasaare Xasan Cali Khayre ay Muhiimadda Siinayso.












