Muqdisho, 07 March, 2020: Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Cabdi Adam Hoosow ayaa maanta oo sabti ah 7 March 2020 shir gudoomiyey shirka todobaadlaha ah ee agaasimayaasha Wasaaradda.
Ugu horayntii waxaa warbixin laga dhagaystay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Axmed Maxamed Iimaan oo kawarbixiyey shir ay kaga qayb galeen Magaalada Addis Ababa ee Ethiopia isaga iyo Wafdi uu hogaaminayey oo kasocday Wasaaradda Hawlaha Guud, Waxa uu sheegay in shirkaas uu Wasaaradda muhiim u ahaa isla markaana uu si guul ah ugu soodhammaaday.
Agaasime waaxeedyada kala duwan ee Wasaaradda ayaa iyana soobandhigay waxyaabihii ay qabteen, Agaasime kasta waxa uu soojeediyey shaqooyinkii horyaalay todobaadkan waxyaabihii u qabsoomay, Waxyaa baha u dhiman iyo Caqabadaha jira.
Wasiir Cabdi Adam Hoosow ayaan bogaadiyey shaqadii la soobandhigay ee la sooqabtay todobaadkan, waxaa uu shirka kasheegay sida ay uga go’antahay in la dardargaliyo shaqada culus ee hortaalla Wasaaradda ee dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee guud ahaan Dalka.
DHAMMAAD
MPWRH Press Office
Email: info@mpwr.gov.so
Facebook: https://www.facebook.com/mopwrh/
Twitter: https://twitter.com/mopwrh_somalia?s=09
Web: http://www.mpwr.gov.so/











