Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Maxamed Aadan Macalim (Soomaali) oo ka mid ahaa Wafdiga uu hogaaminayo Ra’isal wasaraaha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga magaalada Baydhabo xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa wuxuu booqasho ku tagey Xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Waxaana kusoodhoweeyey masuuliyiinta & Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Koonfur Galbeed oo uu horkacayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.
Booqashada Wasiir Maxamed Aadan Macalim (Soomaali) ee Wasaaradda Hawlaha Guud KGS ayaa ahayd mid kor loogu qaadayo iskaashiga, xiriirka iyo wada shaqaynta kadhaxaysa Wasaaradda Hawlaha Guud DFS & Wasaaradda Hawlaha Guud KGS.







