Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeyta XFS Mudane Xil. Maxamed Aadan Macalim (Soomaali) oo uu wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa kormeeray maanta dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Wasiirka waxaa halka ay shaqadu kasocoto kusoodhoweeyey madaxa guud ee Shirkadda dhisaysa waddada ee Turkiga ah ANEZ Construction, Injineerada iyo Shaqaalaha oo isugu jira Soomaali iyo Turki.
Wasiir Maxamed Soomaali ayaa waxa uu warbixino ka dhegaystay Injineerada dhisaya waddada, halka uu marayo dhismaheedu, Waxa uga hadhsan, Caqabadaha ay lakulmeen intii uu socday dhismaha Waddadan.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Xil. Maxamed Aadan Macalim (Soomaali) ayaa bogaadiyey shaqada culus ee kasocota goobta iyo dedaalka ay kubixiyeen Injineerada dhisaya waddada.
Dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa haatan maraysa heer gabagaba ah waxaa u haray 8km oo kaliya, sida ay sheegeen Injineerada gacanta kuhaya dhismaha waxaa lagu wadaa in ay dhammaato 15 January 2021.
Marka ay dhammaatana Waxaa iyadana labilaabi doonaa dhismaheeda Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.
















