Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Oo Booqday Dhismaha Wadada Muqdisho – Afgooye

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeyta XFS Mudane Xil. Maxamed Aadan Macalim (Soomaali) oo uu wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa kormeeray maanta dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. Wasiirka waxaa halka ay shaqadu kasocoto kusoodhoweeyey madaxa guud ee Shirkadda dhisaysa waddada ee Turkiga ah ANEZ Construction, Injineerada iyo Shaqaalaha oo…