Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Xil. Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa maanta xariga kajaray xafiiska Injineerada Wasaaradda Hawlaha Guud.
Munaasibad kooban oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa waxaa kasooqayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Axmed Maxamed Iimaan, Qaar kamid ah Agaasime waaxeed yada Wasaaradda & Injineerada kashaqeeya Wasaaradda Hawlaha Guud.
Xafiiskan oo loo qalabeeyay si casri ah ayaa waxaa loogu talagalay in lagu dardargaliyo shaqada Wasaaradda ee dhismaha & dib u dhiska Dalka.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamed Soomaali oo kormeeray xaruntan ayaa Injineerada faray in ay laba jibbaaraan shaqada ay u hayaan Qaranka, Waxa uuna sidoo kale sheegay in ay heer gabo gabo ah marayaan qiimaynta dib u dhiska ilaa 16 xarumo Wasaarado ah oo kuburburay dagaaladii sokeeye.
Injineerada Wasaaradda kashaqeeya ayaa markii hore ku kala shaqaynayey waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, haddase talaabadan ayaa noqonaysa mid xoojinaysa awoodooda wax soosaarka ee Injineerada ka hawl gala Wasaaradda Hawlaha Guud ee DFS.


















