Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Xil. Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa maanta si wadajir ah u daahfuray diyaarinta daraasadda, Naqshadda dhismo iyo dikumintiga qandaraas bixinta ee Wadooyinka u dhexeeya Dhuusamareeb – Qarandi iyo Beledwayne – Gaalkacayo.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Maxamed Soomaali ayaa sheegay in jidkani uu muhiim u yahay isu socodka bulshada iyo ganacsiga Soomaaliyeed waxa uu sidoo kale u mahadceliyey Masuuliyiinta iyo Shacabka Galmudug.
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ahna kusimaha Madaxwaynaha Mudane Cali Daahir Ciid ayaa mashruucan ku tilmaamay mid muhiim u ah Galmudug iyo Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, Waxa uuna ku amaanay Wasaaradda Hawlaha Guud ee DFS dedaalka ay waddo sidii dib loogu dhisi lahaa Waddooyinka isku xira gobolada Dalka iyo kaanayaasha dhaqaalaha Dalka.







