Madaxwayne k/xigeenka Galmudug iyo Wasiirka Hawlaha Guud DFS ayaa daahfuray Qiimaynta & Daraasadaynta Wadooyinka u dhexeeya Dhuusamareeb – Qarandi iyo Beledwayne – Gaalkacayo.

Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Xil. Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa maanta si wadajir ah u daahfuray diyaarinta daraasadda, Naqshadda dhismo iyo dikumintiga qandaraas bixinta ee Wadooyinka u dhexeeya Dhuusamareeb – Qarandi iyo Beledwayne – Gaalkacayo. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Maxamed Soomaali ayaa…

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo Safar Shaqo ku gaaray Dhuusamareeb – Galmudug

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guryeynta Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Wasiirka oo ay wehelinayeen agaasimayaal iyo Injineero katirsan Wasaaradda Hawlaha Guud DFS ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas nuur magaalada Dhuusa-mareeb kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada…