Muqdisho, Nofeembar 16, 2021; Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Xil. Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) oo uu wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS Mudane C/laahi Maxamed Nuur, Masuliyiinta Shirkadda dhisaysa Wadada Muqdisho iyo Jawhar, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Injineero kasocday Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa manta kormeer ku tagay dhismaha Wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo meel fiican maraya.
Ugu horayntii masuuliyiinta ayaa kormeer kooda ka bilaabay halka uu yaalo qalabka dhismaha ee wadada lagu dhisayo iyagoona mid mid u kor istaagay waxaana faahfaahin kasiiyey masuuliyiinta gacanta ku haysa dhismaha.
Intaa kadibna iyaga oo kormeer kooda siiwata masuuliyiintu waxa ay tageen halka laga qodo kaawada lagu dhisayo wadada, dadka deegaanka ayey uga mahadceliyeen sida ay u garab taaganyihiin dhismaha Wadada.
Ugu horayntii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Xil. Maxamed Aadan Macalin Soomaali ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyey intii badnayd dhismaha waxa uuna u mahadceliyey ciidanka sugaya ammaanka Wadada iyo Dadka deegaanka.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Mudane C/laahi Maxamed Nuur ayaa fariin u diray shaqsiyaad uu sheegay inay caqab ku yihiin dhismaha Wadada, islamarkaana aan Wadad marna loojoojin doonin.
DHAMMAAD.
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
MPWR Press Office
Email: Info@mpwr.gov.so
web: https://mpwr.gov.so/
Facebook: https://www.facebook.com/mopwrh
Twitter: https://twitter.com/mpwr_somalia



















