Wasiirka cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sh. Bashiir ayaa manta xilka kala wareegay Wasiirkii hore Mudane Xuseen Maxamuud Sh.Xuseen.
Munaasibad balaaran oo uu ka qayb galay Ra’isal Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS isagoona xilka ugu kala wareejiyey.Agaasimaha Guud, Agaasime waaxeedyada, hawl wadeenada Wasaaradda, la taliyeyaasha Wasaaradda, Xildhibaano & marti sharaf kale ayaa kasoo qayb galay, waxaana sidoo kale goob joog ahaa Wasiir kuxigeenka iyo Wasiiru dowlaha cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS.
Ugu horayntii Wasiirkii hore Xuseen Maxamuud Sh.Xuseen ayaa jeediyey khudbad uu kaga hadlayey waxqabadkiisa mudadii uu joogay Wasaaradda.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sh. Bashiir ayaa sheegay inuu halkaa kasii wadi doono shaqada uuna imaan doono waxqabad muuqda inta uu joogo xilka, Waxa uu u mahadceliyey Wasiirkii hore iyo dhamaan madaxda & shaqaalaha Wasaaradda.
Ugu dambayntii Ra’isal Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyey labada Wasiir waxa uu bogaadiyey shaqadii waxqabadkii Wasiirkii hore isgoona soodhoweyey Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sh. Bashiir waxa uu alle uga baryey inuu la garab galo masuuliyadda culus ee loo dhiibay.
DHAMMAAD.
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
MPWR Press Office
Email: Info@mpwr.gov.so
web: https://mpwr.gov.so/
Facebook: https://www.facebook.com/mopwrh
Twitter: https://twitter.com/mpwr_somalia