Wasiirka cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guryeynta XFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sh. Bashiir, Wasiir kuxigeenka Mudane Maxamed Cali Maxamuud iyo Wasiiru dowlaha S/G Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa maanta shir xog iswaydaarsi iyo isbarasho ah waxa ay la yeesheen Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasime waaxeedyada & la taliyeyaasha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guryeynta DFS.
Ugu horayntii Wasiir Ismaaciil Cabdiraxmaan Sh. Bashiir ayaa la wadaagay agaasimeyaasha in la dar-dargaliyo shaqada Wasaaradda oo laga dhaqaajiyo halka ay maraso hadda, dhammaan agaasime waaxeedyada Wasaaradda ayuu faray in waax kasta ay la wadaagto shaqada ay qabato halka ay maraso, waxyaabihii u qabsoomay & waxa u dhiman.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda ayaa bogaadiyey S/G Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay in loo baahanyahay waqti dheeraad ah oo waax kasta ay kusoo bandhigto shaqada ay qabato isla markaana la diyaariyo shir saddex beri ah oo ay isku arakayaan Madaxda, Agaasimeyaasha & Hawl wadeenada.Agaasimaha Guud, Agaasime waaxeedyada & la taliyeyaasha Wasaaradda ayaa soodhoweeyey, waxaana lagu balamay shirka is-aragga ah ee Madax Wasaaradda, Agaasimeyaasha & Hawl wadeenada.
DHAMMAAD.
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
MPWR Press Office
Email: Info@mpwr.gov.so
Web: https://mpwr.gov.so/
Facebook: https://www.facebook.com/mopwrh
Twitter: https://twitter.com/mpwr_somalia