Muqdisho, 25 Sep, 2022; Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sh. Bashiir oo ay wehelinayaan Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Maxamed Cali Maxamuud, Wasiiru dowlaha S/G Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe), Agaasimaha Guud Axmed Maxamed Iimaan & Agaasime waaxeedyo katirsan Wasaaradda ayaa shir muhiim ah maanta la yeeshay Guddiga Gaadiidka, Hawlaha Guud, Duulista Hawada & Dekedaha ee Golaha shacabka Baarlamaanka.
Guddoomiyaha guddiga Xil. Cabdilaahi Cadde oo shirka furay ayaa madaxda Wasaaradda Hawlaaha Guud ku soodhoweeyey xarunta Villa Hargaysa waxa uuna uga mahadceliyey sida ay u ajiibeen kulankan oo ahaa isbarasho iyo kala warqaadasho.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sh. Bashiir ayaa guddiga ku bogaadiyey hawsha culus ee ay hayaan, Waxa uuna uga mahadceliyey casuumadda ay u sameeyeen.
Intaa ka dib Wasiir Ismaaciil ayaa madasha ka sheegay in Wasaaradda Hawlaha Guud tahay laf-dhabarta dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka ee bur buray isagoona ka warbixiyey shaqada Wasaaraddu ay u hayso dalka, Qorshayaasha hor tabinta u leh, Waxa qabsoomay, Kuwa aan qabsoomin & Caqabadaha jira.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud S/G Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) & Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamed Cali Maxamuud oo hadalka iskaga dambeeyey ayaa sheegay in loobaahan yahay iskaashi Guddiga Baarlamaanka & Wasaaradda lana dadajiyo shuruucda laxiriira dhismaha ee horyaalla Baarlamaanka, waxa ay si gaar ah ugu dheeraadeen shaqada culus ee Wasaaraddu ay hayso.
Xubnaha Guddiga ayaa intaas kadib su’aalo la xiriira shaqada Wasaaradda waydiiyey masuuliyiinta Wasaaradda.
Agaasimaha Guud Axmed Maxamed Iimaan, Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Eng. Maxamed C/qaadir Yariisow & Agaasimaha Mashaariicda C/laahi Fariimoos ayaa si wadajir ah uga jawaabay iyagoona si faah faahsan uga hadlay Mashaariicda Wasaaraddu ay hayso, kuwa qorshaha dhow & kan fog.
Ugu dambayntii kulankan oo ahaa mid isbarasho iyo kala warqaadasho Guddiga & Madaxda Wasaaradda ayaa kusoo dhammaaday jawi wanaagsan & is afgarad.
DHAMMAAD.