Shirkan oo ay wadayeesheen Wasaaradda Hawlaha Guud, Dibu dhiska & Guriyeynta DFS & Haayadda GIZ ayaa Looga Wada hadlayey Diyaarinta Sharciyada Wadooyinka & Dhismaha Wakaaladda Jidadka Waawayn Ee Soomaaliyeed Waxaana Kasooqayb galay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud DFS Cabdifataax Maxamed Ibraahin (Geesey), Wasiir kuxigeenka Jamaal Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Eng. Maxamed C/qaadir (Yariisow), Qaarkamid ah Hawl Wadeenadda & Madax kasocotay Haayadda GIZ Oo Uu Hogaaminayey Madaxa Mashaariicda GIZ Christoph Schmidt.
Christoph Schmidt ayaa Bogaadiyey Kulanka maanta Ee ay Layeesheen Madaxda Wasaaradda Dadaalada ay wadaan Ee Sharciyada Wadooyinka & Wakaaladda Jidadka Waawayn Ee Soomaaliyeed Isagoona Sheegay In GIZ ay sii wadi doonto Taageerada Wasaaradda Ee Mashaariicda Horumarinta ah.
Cabdifataax Maxamed Ibraahin Geesey Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dibu dhiska & Guriyeynta DFS ayaa u Mahadceliyey GIZ, Dowladda Jarmalka & Midowga Yurub Oo Iska kaashanaya Hirgalinta Mashaariicdan.
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib U dhiska & Guriyeynta DFS ayaa Shir Layeeshay Madax kasocotay Safaaradda Talyaaniga Ee Soomaaliya & Haayadda Horumarinta Ee Talyaaniga iyagoona kala Sixiixday Saddex Mashruuc Oo Kala ah Dhismaha Darbi wareega ah Oo loodhisayo Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed & Dhismaha Mid kamid ah Xarunta Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, Dhismaha Maxkamadda Sare Ee Soomaaliya & Dib u dhis lagu samaynayo Xabsiyada.










