Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS ayaa Maanta lawareegtay Hindise Sharciyeedka Jidadka & Dhismaha Haayadda Jidadka Soomaaliyeed Oo ay Siwadajir ah Usoodiyaariyeen Wasaaradda Hawlaha Guud, & Guddi Khubaro Sharciyaqaano ah, Waxaana Kataageerayey Dawladda Jarmalka, Midowga Yurub & Haayadda GIZ.
Waxaa Goobjoog ka ahaa Xafladan Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Cabdifaraax Maxamed Ibraahin Geesey, Wasiirku Xigeenka Jamaal Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Guud Eng. Maxamed Cabdiqaadir, Saraakiil kasocotay Haayadda GIZ, Khubaro Sharciyaqaano ah Ee Soodiyaariyey Hinse Sharciyeedkan, Iyo Xubno kakala Socday Wasaaradaha Arimaha Gudaha, Qorshaynta & Gobolka Banaadir.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska DFS Cabdifataax Maxamed Ibraahin Geesey Ayaa U Mahadceliyey Khubarii soodiyaarisay Hindise Sharciyeedkan, Dowladda Jarmalka & Haayadda GIZ Oo Kaalin wayn kaqaatay Diyaarinta Hindise Sharciyeedkasi, Waxa uu dhanka kale Sheegay in ay ka Go’antahay Dib usoocelinta Wakaaadihii Wasaaradda Hawlaha Guud, Sida Waakaladii Hindisaha & Naqshadaynta, Wakaaladii Dhismaha & Dhamaan Wakaaladihii Wasaaradda Hoos Imaanjiray, Dhowaan Ay Wasaaraddu Lasoowareegi doonto Xaruntii Wakaaladda Jidadka Soomaaliyeed.
Hindise Sharciyaakan ayaa laga Shaqaynayey Inkabadan Lixbilood Waxaan la horgayn doonaa Golayaasha Xukuumadda & Baarlamaanka.
SAWIRRO




























