Dowladda Soomaaliya & Midowga yurub ayaa kala saxiixday maanta 78 Milyan yuuro oo qayb ka ah dib u dhiska waddoyinka waawayn ee iskuna xira gobolada dalka ee kala ah Baladwayne – Gaalkacayo, Gaalkacayo – Garoowe, Gaalkacayo – Hobyo, Iyo Luuq Ganaane – Doolow.
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS ayaa Dalka hirgalin doonta dhismaha wadooyinkaas waxaana kubixidoona lacag gaaraysa 80 milyan.
Mahdi Maxamed Guuleed Rai‘isal Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa kasooqayb galay waxaana saxiixay heshiiska lacagtaasi Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda Soomaaliya.










