Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guryeynta Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta dowlad goboleedka Galmudug.
Wasiirka oo ay wehelinayeen agaasimayaal iyo Injineero katirsan Wasaaradda Hawlaha Guud DFS ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas nuur magaalada Dhuusa-mareeb kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Galmudug Mudane Axmed Dhiblaawe Casir iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Maamulka Galmudug.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud DFS Maxamed Soomaali iyo Wafdiga uu hogaaminayo inta ay ku suganyihiin Galmudug waxa ay furayaan daraasadda iyo naqshadeynta dhismaha Wadada laamiga ah ee isku xirta Dhuusamareeb Iyo Qaradi.
Wasiirka ayaa loogalbiyey Madaxtooyada Galmudug halkaas oo uu kuqaabilay Madaxweyne ku xigneeka Dowlada Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ahna kusimaha Madaxwaynaha, Kulan kooban oo ay ku yeesheen Xafiiska Madaxwaynaha ayay kawada hadleen Hawlaha Shaqo iyo Mashaariicda laga daahfuridoono deegaanada Galmudug.
Wasiirka Hawlaha Guud ee Galmudug, Maamulka Degmada Dhuusa-mareeb, Injineero iyo Agaasimayaal katirsan Wasaaradda Hawlaha Guud ee DFS ayaa kuwehelinayey kulanka.





















