Muqdisho, February 03, 2024; Ra’isal Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xilka u kala wareejieyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheikh Bashiir & Wasiirka cusub ee Wasaaradda Midane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay).
Xafladda xil-wareejinta ayaa waxaa kasoo qayb galay Xildhibaano katirsan BJFS, Senatarro, Siyaasiyiin, Masuuliyiin hore xilal u sooqabtay & Marti sharaf kale.
Ugu horayntii Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheikh Bashiir ayaa sheegay mudadii uu hayey xilka wax yaabahii u qabsoomay oo ay kamid ahaayeen la dagaalanka musuq maasuqa, Dar-dargalinta maahaariicda dhismaha ee Wasaaradda, Tayeynta shaqaalaaha Iyo Agaasimaayaasha waaxyaha Wasaaradda.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Midane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa ballan qaaday in uu halkaa kasii wadi doono shaqada Wasaaradda Hawlaha Guud ay u hayso qaranka, Waxa uu u mahad celiyey dhammaan kasoo qayb galayaaaha xafladda, Waxa uuna bogaadiyey shaqada culus ee lasoo qabtay.
Ugu dambayntii waxaa munaasibadda soo xiray Ra’isal Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac waxa uu u mahad celiyey Wasiirkii hore Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheikh Bashiir isagoona ku soodhoweeyey shaqada Wasiirka cusub ee Wasaaradda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali.
DHAMMAAD.
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
MPWR&H Communication & Public Relation Office
Email: Info@mpwr.gov.so
web: https://mpwr.gov.so/
Facebook: https://www.facebook.com/mopwrh
Twitter: https://twitter.com/mpwr_somalia