Muqdisho, Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeyta DFS ayaa magaalada muqdisho ku qabatay shir wadatashi oo looga hadlayey sidii loo sameyn lahaa National Urban Policy iyo National Land Policy. Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin kasocday Wasaaradaha Hawlaha Guud ee Maamul Goboleedyada dalka & Gobolka Banaadir, Injineerada Wasaaradda, Sharci yaqaano & marti sharaf kale.Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda ee Wasaaradda Hawlaha Guud Eng. Mohamed Abdulkadir Hussein ayaa ugu horaytii furay shirka waxa uuna sharaxay ujeedka shirka & qodobada ay muhiinka tahay inay ka doodaan kasoo qayb galayaashu.Intaa kadib shirka ayaa laga soojeediyey warbixino la xiriira waxyaabihii horay loogu sameeyay D/Goboledyada ee ku aadan Habka Maamulka Magaalooyinka iyo Siyaasadahooda.
DHAMMAAD.
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;MPWR Press
OfficeEmail: Info@mpwr.gov.so
web: https://mpwr.gov.so/
Facebook: https://www.facebook.com/mopwrh
Twitter: https://twitter.com/mpwr_somalia








