Wararka

Ra’isal Wasaaraha DFS Oo Dhagax dhigay Dhismaha Wadooyinka Jowhar & Afgooye

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa Kaqayb galay Dhagaxdhigga Dhismaha Wadooyinka Jowhar & Afgooye. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Xasan Cali Khayre, ayaa daah-furay mashruuca dhismaha waddooyinka isku xira Muqdisho iyo magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye. Waxaa Kaqayb galay Madaxwaynayaasha maamul gobaleedyada Hir-shabeelle iyo Koonfur…

Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Kaqayb gashay Shirka Tubta horumarinta dhaqaalaha

Wasiirka & Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guryeynta DFS Cabdi Aadan Hoosow iyo Jamaal Xasan Ismaaciil Ayaa Siwadajir ah uga qayb Galay Shirka tubta horumarinta dhaqaalaha oo maanta lagu qabtay Xarunta wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa guddoominayay shirka waxaana lagu falanqeeyey…

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Shir Layeeshay Madax kasocota Haayadda UNOPS

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Cabdi Aadan Hoosow ayaa Shir layeeshay Saraakiil kasoctay Haayadda UNOPS Oo Wasaaradda ay kala dhexayso wadashaqayn Wanaagsan. Waxaa qayb ka ahaa Shirka Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Jamaal Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Ee Wasaaradda, Saraakiil kasocotay Haayadda UNOPS & Xubno kale Oo Wasaaradda Hawlaha…

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Ayaa Markale Kaqayb qaadatay Barnaamijka Isxil-Qaan

Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska, & Guriyeynta DFS ayaa maanta ka qeybgalay barnaamijka isxil-qaan oo lagu dhisayo Xarumaha Danta Guud Ee Dalka. Waxaana Hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdi Aadan Hoosow, Agaasimaha Guud Axmed Maxamed Iman, Agaasime Waaxeedyada & Shaqaalaha Wasaaradda. Gudaha dhismaha Tiyaatarka Qaranka ayey kabilaabeen Howlaha dacatirka iyo dib u…

Shir Looga Hadlayo Dib u dhiska Dalka Oo Muqdisho Kafurmay

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shir laba maalin socanayo oo looga hadlayo dib-u-dhiska dalka. Shirkan ayaa Waxaa hogaaminaysa Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS, Waxaana la qabtaa Saddexdii biloodba mar, Shikanna Waxa uunoqonayaa kiisii Sagaalaad iyadoo wax la ika waydiiyo Hawlaha Dib…

Masuuliyiinta Wasaaradda Oo Kormeer Kutagay Goobaha Uu Kasocdo Barnaamijka Isxil-Qaan

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska & Guriyeynta DFS Cabdi Aadan Hoosow oo ay wahelinayaan Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Axmed Maxamed Iimaan, Agaasime Waaxeedyada & Shaqaalaha Wasaaradda ayaa kaqayb qaatay Maanta Olole Nadaafadeed oo Qayb ka ah Barnaamijka Isxil-qaan. Dhamman Qaybaha Kala duwan ee Wasaaraddu kakoobantahay ayaa laga fuliyey Ololaha Nadaafadeed iyadoo ay madaxda…

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Cabdi Aadan Hosow Oo Xilkii Lawareegay

Xafladdan oo ahayd Mid uu Xilka kula Wareegayey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Aadan Hoosoow ayaa Maanta lagu Qabtay Xarunta Wasaradda ee Magaaladda Muqdisho. Waxaa ka soo qeybgalay Reysalwasare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Reysalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Xaamud,…

Shir Laba Maalin u soconayey Agaasimayaasha Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Lasoo Gabagabeeyey

Shirkan oo laba maalmood usocday agaasime waaxeedyada wasaarada hawlaha guud, dib u dhiska & guriyeyntan DFS ayaa lagu dar dar galinayey Shaqada wasaaradda & sidii la isu waafajin lahaa Qorshayaasha Udegsan Waaxkasta. Dajinta qorshe hawleedka ee waaxyaha wasaaradda Hawlaha guud ayaa qayb ka ah Kor u qaadista Shaqada Wasaaradda & hiigsiga Qorshaha Xukuumadda 2020. Waxaana…

Shir Lagu Dar dar Galinayo Shaqada Agaasima Waaxeedyada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud dib u dhiska & Guriyeynta DFS Jamaal Xasan Ismaaciil ayaa Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda u Daah furay Shir kor loogu qaadayey Hanaanka Wadashaqaynta Agaasime Waaxeedyada & Iswaafajinta Qorshayaasha u degsan Waaxkasta oo socon doona muddo 2 Maalmood ah. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Axmed Maxamed Iimaan ayaa Sidoo kale kaqayb galay Khud…